Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2020

Walxaha kiimikeed ee saafida ah iyo kuwa aan saafida ahayn

  C uriyaha saafida ah ama isku dhiska saafida ah, waxa ay ka kooban yihiin hal walax oo walax kale kuma ay dhexjirto. Shayada aan  saafida ahayn waxay noqon karaan isku jirka curiyayaal, isku jirka isku dhisyo ama isku jirka isku dhis iyo curiye. Walxaha kiimiked ee saafida ah: Cunooyinka iyo cabitaanada waxaa lagu xayeysiiyaa in ay yihiin saafi. Tusaale, waxaa arkaysaa kartoomada “casiir liin macaan saafi ah” , “biyo saafi ah”. Taas oo la micno ah in aana waxkale lagu darin intii lagu gudo jirey soo saaridooda warshadeed. Sikastaba, saynis ahaan marka aan u eegno walxahan ma ahan kuwo saafi ah waayo saynisku waxa uu rumaysan yahay in walaxda saafida ah ay ka kooban tahay hal curiye ama hal isku dhis. Biyaha macdantaa intooda badani waa biyo, laakiin waxaa ku dhex qasan walxo kale. Maadooyinkaas kale ee kujira waxaa magacyadoodu ku taxan yihiin waraaqda ku dhagsan caagada biyuhu kujiraan. Sidaa darted biyaha saafida ah waxa ay ka kooban yihiin biyo iyo walxo kale. Hadii aad a...

xayeysiinta booga basic chemistry book

Buugan waxaa qoray aniga oo ah Mohamed Hersi Farah, buuga waa buug muhiim u ah dhamaan arday bilaabaysa dugsiyada sare kana haqabtiri doona aasaaska maadada Chemistry.  buugan waxaa ugu talo galay inay kafaaiidaystaan dhamaan ardayda Somaaliyeed meelkasta oo ay jogaan sidoo kale bugan si aan u helo sal-fadhi waxaa raacay manhajka dugsiyada sare ee puntland anigo filaya inuu wada anfaci doono dhamaan arday kasta oo dhiganaya ama bilaabaya dugsigada.  waxaan inii rajayn inaa ka faaiidaysataan buugan.  wixii fikrad ama rayi ahna waxaa noogu soocelin kartaa cinwaankeena asqalaani89@gmail.com.  hadii aad ubaahan tahay buugan waxaa si free ah ugala dagi kartaa linkgan hoose waana mahadsanthn: Basic Chemistry Book First Edition

Falgalada Kiimikeed ee Sahlan

Falgal kiimikeedku waa cadaynta in uu dhacay isbadal kiimikeed. Alaabta bilowga ahi waxa ay isku badalayan alaabo cusub ama noocyo kiimikeed oo kale. Sidee u garan karnaa in uu dhacay falgal kiimikeed? Hadii aan aragno mid ama in ka badan oo kuwan soosocda ah waxaa oran karnaa waxaa dhacay falgal kiimikeed: Isbadal midab Xumbo In uu samaysmo ruushi ( in milanka ay kudhex samaysmaan adkayaal yaryar ah)  kulka oo isbadala Waxaa jira falgalyo aad u tiro badan oo kala duwan, laakin guud ahaan waxa loo kala qaybiyey 5 qaybood oo sahlan. Fagalka isku darka tooska ah: Falgaklka iskudarka tooska ahi waa mid ka mida noocyada ugu waawayn ee  falgalada kiimikeed, sida magaca aan ka dheehan karno falgalayaal fudud ayaa samayn kara maxsuulo badan. Qaabka aasaasiga ah ee falgalka kiimikeed ee tooska ahi waa: A + B —>AB Hadii aan tusaale usooqaadano samaysanka biyaha ay ka samaysmayaan curiyayaasha ay kakooban yihiin ee haydarojiin iyo oksiiin: 2H 2 + O 2 —>2H 2 O Sidoo kale tusaale ...

Milanada Kiimikeed

  Milan waa isku jir isku kaan ah oo ka kooban labo walax ama in kabadan. Milanadu waxa ay u jiri karaan wajiyo badan. Milanku waxa uu a kooban yahay milme iyo mile. Milme waa walaxda ku milanta milaha. Xadiga milmuhu uu ku milmo milaha ayaa loogu yeeraa milankiisa. Tusaale, cusbadu waa milme ku milanta biyaha oo ah mile. Milanka ay xubnihiisu halka waji yihiin, walxaha ku jira ee ugu ribanaanta yar waa milmayaal, halka walxaha ugu badan ee ku jirana ay yihiin milayaal. Tusaale hadaan sooqaadano hawada, oksijiin iyo kaabon labo oksaydh waa milmayaal halka naytarojiin ay tahay mile. Astaamaha milanada: Milanku waxa uu ka kooban yahay isku jir isku kaan ah. Milanku waxa uu usamaysan yahay hal waji (tusaale, adke, hoore, ama neef). Milanku ma uu firdhiyo iftiinka Xubnaha uu ka kooban yahay milanku laguma kala saari karo ayada oo la adeegsanayo habka fudud ee miirida. Tusaale  sharaxaatya milanada: Labo shay oo kasta oo sibuuxda iskugu milmi kara ayaa samayn kara milan, xataa walx...

Kala soocida iskujirada

  W alxaha iskujira waxaa mid mid loogu kala saari karaa ayadoo laraacayo habab kala duwan, hababkaas oo kutiirsan nooca iskujirka. Hababkaas waxaa kamida ah, miirida, uumibixinta, xareedaynta iyo midabsawir saafida. Kalasoocitaanka adkaha laga soocayo hoorka (miirid) Hadii walaxdu aysan kumilmin dareeraha waxaa ugu yeernaa mamilme. Tusaale ahaan, ciidu kuma milanto biyaha, waa mamilme. Miirid waa hab looga soocayo mamilmaha kujira hooraha (milaha), marka iskujirku yahay biyo iyo ciid waa lakala miiraa. Ciidu waxa ay ku haraysaa waraaqda miirida (waxa ayna noqonaysaa haraa). Biyuhu waxa ay dhaafayaan oo ka gudbayaan waraaqda (waxa ayna noqonayaan saafi). Bakeeriga waxaa kujira iskujir mamilme adke ah iyo biyo. Bakeeriga kalena waxaa dulsaaran dubaalad xambaarsan warqada miirida. Kala soocida adkaha iyo hooraha (uumibixin): Uumibixinta waxaa loo adeegsada in lagu kala saaro adkaha milma iyo hooraha (mile) tusaale ahaan, copper sulfate waxay kumilantaa biyaha-waa wiriqyo kumilma biya...

Kiimikada waxa nool

W aa qayb ka mid ah sayniska kaas oo qaabilsan geedi socodka kiimikeed iyo kiimikoduleed ee ka dhexdhaca walxada kujira noolayaasha. Kismisteriga waa qayb ka mid ah saynis duleedka taas oo lagu barto falgalka qaabdhismeedka, sifooyinka iyo isbadalka walxaha. Kimisterigu waxa uu siwayn u quseeyaa falgalka iyo isbadalka qurubyada iyo malakuyuulada tusaale ahaan, Sifooyinka dabarada kiimikeed ee kusamaysamay isku dhiska kiimikada. Barashada kiimikada ee la xariirta elektoroonada iyo kaladuwanaashaha noocyada   tamarta ee   falcelinta footo kimikaalyada, falgalada ridhokiska, isbadalada wajiyada maatarka iyo kala saaritaanka isku dhiska, diyaarinta iyo sifooyinka walxaha qalafsan, sida biraha isku dhafan , caagaga, moleekuyuulada noolaha, iwm, dhamaantood, waxaa loo tixgeliyaa    xeendaabka    kimistariga. Kiimikada noolaha waa kiimiko ka qaabilsan barasha geedi socodka kiimikada ama habka kiimikada ee la xariira noolaha. Xakamaynta socodka macluuma...

Afarta qaybood ee ugu waa weyn kemisteriga

1.   K iimiko duleed: Waa laan kamid ah laamaaha kiimikada ee laxiriirta saamaynta ayku leedahay qaabdhis meedka kimikaal ahaaneed ee astaamo kiimikeedka   muuqda. Kiimiko duleedka marka labarbardhigo fiisikis duleedka, sida qaalibka ah waa wax la arki karo, sida inta badan ay kutusayso aragtiyada laxariira   Kiimikada wax yaabaha la taaban karo waxay kusalaysan yihiin afkaaro laxariira qaabdhismeedka qurubka. Intii lagu guda jiray qarnigii 19aad, kiimiko duleedku waxay ay doormuhiim ah kaciyaarta fikradii Wilhelm Ostwald's iyo Jacobus Henricus van't Hoff's oo kashaqaynayay iskudheelitirka kiimikooyinka. waxay sidookale door muhiim ah ka qaadatay aragtidii Svante Arrhenius ee   aayonisayshin iyo   falgalka ridhokis. Qaar badan oo kamid ah qalabyada cusub ee la abuuray kuwaas oo muhiim u ah warshadaha kumbuyuutarada ama qalabka diyaaradaha iyo warshadaha gantaalada waa natiijo kamid ah qalabka sidhow ula xariira   kiimiko duleedka. Jilciye, dareere,...