Skip to main content

Kiimikada waxa nool

Waa qayb ka mid ah sayniska kaas oo qaabilsan geedi socodka kiimikeed iyo kiimikoduleed ee ka dhexdhaca walxada kujira noolayaasha.

Kismisteriga waa qayb ka mid ah saynis duleedka taas oo lagu barto falgalka qaabdhismeedka, sifooyinka iyo isbadalka walxaha. Kimisterigu waxa uu siwayn u quseeyaa falgalka iyo isbadalka qurubyada iyo malakuyuulada tusaale ahaan, Sifooyinka dabarada kiimikeed ee kusamaysamay isku dhiska kiimikada.

Barashada kiimikada ee la xariirta elektoroonada iyo kaladuwanaashaha noocyada  tamarta ee  falcelinta footo kimikaalyada, falgalada ridhokiska, isbadalada wajiyada maatarka iyo kala saaritaanka isku dhiska, diyaarinta iyo sifooyinka walxaha qalafsan, sida biraha isku dhafan , caagaga, moleekuyuulada noolaha, iwm, dhamaantood, waxaa loo tixgeliyaa   xeendaabka   kimistariga.

Kiimikada noolaha waa kiimiko ka qaabilsan barasha geedi socodka kiimikada ama habka kiimikada ee la xariira noolaha. Xakamaynta socodka macluumaadka maraya seenyaalaynta lagmamaarmaanada iyo socodka tamarta kiimikada maraysa dheefshiidka kiimikada, geedi socodka lagmamaarmaanadu waxay kor uqadan isku dhiska nolosha. 47sano ee lasoodhaafay aadanuhu waxa uu noqday mid siguul leh usharaxay geedi socodka noolaha ayagoo dhamaan goobaha saynisku ay ku howllanaayeen cilmiga barashada dhirta si ay uga samaystaan daawootinka caafimaadka. Hada, xoogga waawayn ee noolaha daahirka ah (noolaha saafiga ah) waa in la fahmo sida  molikuyuulada naflaydu kor ugu kacaan geedi socodka kadhaca unug yada.

Kiimikada noolaha waxay sidhow ula xariitaa cilmiga baashada molikuyuulada noolaha, barashada qaababka molikuyuulada kuwa sidah macluumaadyada hide sida DNAda taasoo awooda inaysiijirto geedi socodka nololeed.

Molikuyuulada  noole:

Afarta fasal ee ugu waawayn molikuyuulada noole waa waxyaalaha jirku kahelo kulka iyo tamarta kaarbohaydaraytyada, subaga, nafaqada jirka dhista iyo iwm.

1. Waxyaalaha jirka siiya kula iyo tamarta  (kaarbohaydaraytyada):

Karbohaydaraytyadu waxay kasamaysan yihin meerkilyaalo lagu magacaabo monosaccharides. Qaar ka mid ah monosaccharides waxaa ka mid ah glucose (C6H12O6), fructose (C6H12O6), iyo deoxyribose (C5H10O4).

2. Subagga:

Subaggu waxaa inta badan sameeya hal molekuyuul oo glycerol ah oo weheliyo molekuyuulkale. dufantu waa qaybta ugu wayn ee subagga, waxaana ku jira hal molekuyuul oo glycerol iyo saddex asiidhada dufanka leh. Asiidhyada dufanka waxa loo tixgaliyaa monomerkiisa (meerkilyaalihiisa),  waxaana laga yaabaa inuu cukan yahay (kumajiro labo dabar silsilada kaarboonka) ama usan cukanayn (waxa kujira labo dabar ama kabadan).

Subagga, gaar ahaan phospholipids, waxaa sidoo kale loo isticmaalaa soosaarida daawooyinka ama waxaa sidookale loo isticmaalaa qayb daroogada xambaara (tusaale ahaan, sida liposome ama transfersome).

3. Nafaqada jirka dhista (protiens)

Borotiinadu waa molikuyuulo aad u badan, waxayna kasamaysmaan meerkeliyaal looyaqaano  Asiidhada amino. Waxa jira 20 heer oo Asiidhada amino ah, midkastana waxa uu ka kooban yahay koox kaarboonoksijiin ah, koox amino ah iyo koox silsilada (lagu magacabo kooxda “R”). kooxda “R” waa mida kala saarta astaamaha Asiidhyada amino  ee kooxaha silsiladaha.

4. Nucleic Acids

Nucleic acids waa malokuyuulyaasha sameeya DNAda, waana walax aad ugu muhiim ah dhamaan unugyada noolaha taasoo ay u isticmaalaan inay ku kaydsadaan macluumaadkooda hide. Asiidhada amino ee ugu badani  waa DeoxyriboNucleic Acid (DNA) iyo RiboNucleic Acid (RNA), meerkilyaalahooduna waxaa loo yaqaan Nucleotide, waxayna  ka kooban tahay koox phosphate, Sonkorta ribose ah, oo nitrogenous saldhig utahay.

 

Comments

Popular posts from this blog

xayeysiinta booga basic chemistry book

Buugan waxaa qoray aniga oo ah Mohamed Hersi Farah, buuga waa buug muhiim u ah dhamaan arday bilaabaysa dugsiyada sare kana haqabtiri doona aasaaska maadada Chemistry.  buugan waxaa ugu talo galay inay kafaaiidaystaan dhamaan ardayda Somaaliyeed meelkasta oo ay jogaan sidoo kale bugan si aan u helo sal-fadhi waxaa raacay manhajka dugsiyada sare ee puntland anigo filaya inuu wada anfaci doono dhamaan arday kasta oo dhiganaya ama bilaabaya dugsigada.  waxaan inii rajayn inaa ka faaiidaysataan buugan.  wixii fikrad ama rayi ahna waxaa noogu soocelin kartaa cinwaankeena asqalaani89@gmail.com.  hadii aad ubaahan tahay buugan waxaa si free ah ugala dagi kartaa linkgan hoose waana mahadsanthn: Basic Chemistry Book First Edition

Exam Form Four 2019 Puntland National Examination

 Halkan hoose kala sodag examka form4 2019 oo kashaqaysn. Examka form4 2019

Exam Form Four 2020 Puntland National Examination

halkan  hoose kala sodag examk form 4ka oo kashaqaysan Exam form four 202 0