1. Kiimiko duleed: Waa laan kamid ah laamaaha kiimikada ee laxiriirta saamaynta ayku leedahay qaabdhis meedka kimikaal ahaaneed ee astaamo kiimikeedka muuqda.
Kiimiko duleedka marka labarbardhigo fiisikis duleedka, sida qaalibka ah waa wax la arki karo, sida inta badan ay kutusayso aragtiyada laxariira Kiimikada wax yaabaha la taaban karo waxay kusalaysan yihiin afkaaro laxariira qaabdhismeedka qurubka.
Intii lagu guda jiray qarnigii 19aad, kiimiko duleedku waxay ay doormuhiim ah kaciyaarta fikradii Wilhelm Ostwald's iyo Jacobus Henricus van't Hoff's oo kashaqaynayay iskudheelitirka kiimikooyinka. waxay sidookale door muhiim ah ka qaadatay aragtidii Svante Arrhenius ee aayonisayshin iyo falgalka ridhokis. Qaar badan oo kamid ah qalabyada cusub ee la abuuray kuwaas oo muhiim u ah warshadaha kumbuyuutarada ama qalabka diyaaradaha iyo warshadaha gantaalada waa natiijo kamid ah qalabka sidhow ula xariira kiimiko duleedka. Jilciye, dareere, nadiifiye iyo warshadaha caagaga soosara, ma aysan jiri lahayn kiimiko duleed la’aaantiis. Fahanka wanaagsan ee nidaamka noolaha waxa uu ka yimaaday iskudarka fisikiska , kimisteriga iyo bayoolajiga sida biophysics, biochemistry, molecular genetics iyo molecular biology.
2. Kiimikada sifaynta: Waa laan kamid ah laamaha kiimikada taas oo la xiriir ta kala soocida ama kala saarida walxaha kiimikaad tiro ahaan iyo tayo ahaan ba .
Kiimikada sifaytu waxay wax tar balaadhan uleedahay warshadaha, samaynta dawada, samynta cuntada, iyo qiyaasida saafinimada shayga.
Faa’iidooyinka ay uleedahay warshadaha waxaa kamida in qiyaasida wax walba oo la soo saarayo, waxa uu ka kooban yahay tiro ahaan iyo tayo ahaan ba.
Si macmiisha loosiiyo warbixin kooban oo ku saabsan wax uu ka kooban yahay shaygan lasoo saaray waa in laqiyaasaa kiimikada ay ka kooban yahay waxa la soo saarayo, kadib lagu lifaaqaa ama lagu dhajiyaa waraaq ay kuqoran yihiin waxa ay kakooban tahay, walaxda lasoo saaray, dhamaan hawshaasi waxaa lagu qabanayaa taas oo la’adeeg sanyo kemisteriga sifaynta.
3. Kemisteriga noolaha: Waa laan kamida laamaha kiimikada ee la xiriir ta kiimikada laga keeno noolaha .
Waxtarada ama faa’idooyinka ay leedahay aad bay ubadan yihiin laakiin waxaynu isku dayi doonaa inaa ka eegno afarta dhinac ee ugu muhiim san
1. Waxtar ka ay uleedahay samaynta dawooyin ka:
Kiimikada nooluhu waa kayd ka ugu wayn ee samaynta ama farsamaynta dawooyinka tusaale ahaan (antibiotics, anticancer drugs, painkillers, anti-depressant, anesthetics etc.) dhamaan noocyadan kamidka ah dawooyin ka waxay ka samaysan yihiin kiimikada laga keeno ama laga soo saaro waxyaabaha nool .
2. Cuntada:
Dhamaan qaybaha ugu waawayn ee cuntadu ka samaysan tahay ama ka kooban tahay waa iskudhisyo nooleed sida:
(kaabohaydaraytyada (CHO), borotiinada (NH2-CH-COOH), iyo dufanka (CH-COO-CH) xataa feetamiinada. Kuwaas oo ah qaybaha ugu waa way nee jirkeenu ka kooban yahay. Taas oo nabaraysa waxtarka ay noo leeyihiin.
3. Agabka nadaafada:
Waxyaabaha wax lagu nadiifiyo waxay ka kooban yihiin iskudhisyo nooleed tusaale ahaan, (phenol, formaldehyde).
Qaarkamid ah walxaha wax lagu nadiifiyo waxaa loogu talo galaa in lagu dilo cayayaan ka ilma qabatinka ah sida bakteeriyada oo laga dilayo ama laga burburinayo gidaar ka unugooda.
4. Waxtar ka uu uleeyahy dhinaca tamarta:
Tamarta aynu maalin walba isticmaalno sida shidaalka, dhuxusha, dhuxul dhagaxda iyo gaaska wax lagu kariyo dhamaantood waxyaabaha aynu soo sheegnay waxay ka samay san yihiin kiimikada laga keeno wax yaabaha nool.
4. Kiimikada manoolaha: Qaybtani waa laan kamida laamaha kiimikada taas oo la xiriirta walxaha aan noolayn .
Kiimikada manoolaha waxay leedahay waxtar aad ubalaadhan gaar ahaan marka loo eego noloshan hormartay amaba wakhtigan casriga ah,waxaa na kamida wax tarkeeda:
Ø samaynta caro nafaqeeyaasha ku waas oo kor uqaada wax soo saarka beeraha ee caalamka.
Ø samaynta iskujir macdano biro ah, kuwaas oo loo isticmaalo samaynta biraha laga sameeyo baabuurta iyo diyaaradaha, kuwaas oo ah biro fudud adaygna ah.
Ø samynta biraha , quraarada ha , qalabka dhismaha, iyo qaybo kamida walxaha qarxa.
Waxaynu si kooban usheegi doonaa 5 ta kiimiko ee ugu isticmaalka badan:
1. Salfuyuurik asiidh (H2SO4): Waxaa loo isticmaalaa samaynta caro nafaqeeyaasha
2. Naytarojiin (N2): Waxaa loo adeegsadaa samaynta amoniyada (ammonia ).
3. Nuurada (CaO): Waxaa loo isticmaalaa samynta shamiitada ama sibidhka , iyo samynta biraha .
4. Sodiyom haydaroksaydh (NaOH): Waxaa loo adeegsadaa samynta
Warqadaha, saabuunta, taydha (oomada ) , iyo fiilooyinka dad sameega ah .
5. Sodiyom kaarbonayt (Na2CO3): Waxaa loo isticmaalaa samynta Warqada ha , quraaraha ha (dhalooyinka ) ,iyo dhar samynta .
Intaasi waa wax kamida wax tarada qaybta kiimikada manoolaha.
Comments
Post a Comment