Skip to main content

Milanada Kiimikeed

 

Milan waa isku jir isku kaan ah oo ka kooban labo walax ama in kabadan. Milanadu waxa ay u jiri karaan wajiyo badan.

Milanku waxa uu a kooban yahay milme iyo mile. Milme waa walaxda ku milanta milaha. Xadiga milmuhu uu ku milmo milaha ayaa loogu yeeraa milankiisa. Tusaale, cusbadu waa milme ku milanta biyaha oo ah mile.

Milanka ay xubnihiisu halka waji yihiin, walxaha ku jira ee ugu ribanaanta yar waa milmayaal, halka walxaha ugu badan ee ku jirana ay yihiin milayaal. Tusaale hadaan sooqaadano hawada, oksijiin iyo kaabon labo oksaydh waa milmayaal halka naytarojiin ay tahay mile.

Astaamaha milanada:

  • Milanku waxa uu ka kooban yahay isku jir isku kaan ah.
  • Milanku waxa uu usamaysan yahay hal waji (tusaale, adke, hoore, ama neef).
  • Milanku ma uu firdhiyo iftiinka
  • Xubnaha uu ka kooban yahay milanku laguma kala saari karo ayada oo la adeegsanayo habka fudud ee miirida.

Tusaale  sharaxaatya milanada:

Labo shay oo kasta oo sibuuxda iskugu milmi kara ayaa samayn kara milan, xataa walxo wajiyo kala duwan leh ayaa hadii la isku geeyo samayn kara milan, laakiin waxay ugu dambaynta qaadanayaan ama u jirayaan hal waji. Tusaale, milan adke ah hadaan usooqaadano Baraas (isku dhis bir ah oo ka kooban copper iyo zinc),  milan dareere ah waxa usooqaadan karnaa haydarokoloorik asiidh iyo biyo halka milan ka samaysan neefna ay noogu filan tahay hawadu.

Nooca milankaTusaale
Neef – NeefHawada
Neef-HooreKaarboon labo oksaydhka kujira soodhaha (casiirada gaaska leh)
Neef- AdkeNeefta haydarojiin ee kujirta birta Palladium
Hoore- HooreGaasoliinta
Adke- HooreSonkor biyo kujirta
Hoore – AdkeMeerkuriga kujira biraha ilkaha lagu buuxiyo
Adke –Adke Isku dhafka biraha

Comments

Popular posts from this blog

Exam Form Four 2018 Puntland National Examination

Halkan hoose kala soodag exam ka form 2018 Mahadsanidin asxaabtadana lawadaag examkii oo ka shaqaysan waaye!!  Examka form4 2018 Puntland Somalia 

xayeysiinta booga basic chemistry book

Buugan waxaa qoray aniga oo ah Mohamed Hersi Farah, buuga waa buug muhiim u ah dhamaan arday bilaabaysa dugsiyada sare kana haqabtiri doona aasaaska maadada Chemistry.  buugan waxaa ugu talo galay inay kafaaiidaystaan dhamaan ardayda Somaaliyeed meelkasta oo ay jogaan sidoo kale bugan si aan u helo sal-fadhi waxaa raacay manhajka dugsiyada sare ee puntland anigo filaya inuu wada anfaci doono dhamaan arday kasta oo dhiganaya ama bilaabaya dugsigada.  waxaan inii rajayn inaa ka faaiidaysataan buugan.  wixii fikrad ama rayi ahna waxaa noogu soocelin kartaa cinwaankeena asqalaani89@gmail.com.  hadii aad ubaahan tahay buugan waxaa si free ah ugala dagi kartaa linkgan hoose waana mahadsanthn: Basic Chemistry Book First Edition

Tusaha kalgalka

Tusaha kalgalka waa tuse ay ku habaysan yihiin curiyayaasha kiimikeed, kuwaas oo u urursan tiro-atam, ratibaad elektaroon iyo astaamo kiimikeedkooda. Qaabka tusuhu waxa uu muujinayaa kalgal isbedelka curiyayaasha. Todobada safe e tusaha waxaa loogu yeeraa “kal”, siguud dhinaca bidix waxaa uga jira biraha ah dhinaca midigna waxa uga jira curiyayaasha bir ma-ahe ah. Joog-u-taxa tusaha waxaa loogu yeeraa “ururro” kuwaas oo ururkasta ka kooban tahay curiyayaal leh dabeecad kiimikeed isku mid ah. Ururadu waxa ay leeyihiin magacyo ugaarah sida curiyayaasha ururka 17aad waxaa looguyeeraa halajiino halka curiyayaasha ururka 18aadna loogu yeero neefaha wahsada. Tusaha kalgalka Curiyayaasha kiimikeed: Marka lajoogo kimisteriga, curiye waa nooc atam oo leh tiro borotoono isku mid ah gudaha bu’ atamkiisa (taasina waxa ay la mid tahay tiro atamkiisa). Tusaale, tiro atamka curiyaha oksijiin waa 8, taas oo ka dhigan ama qeexaysa curiyaha oksijiin in atamyadiisa dhamaan ay leeyih...