Skip to main content

Walxaha kiimikeed ee saafida ah iyo kuwa aan saafida ahayn

 


Curiyaha saafida ah ama isku dhiska saafida ah, waxa ay ka kooban yihiin hal walax oo walax kale kuma ay dhexjirto. Shayada aan  saafida ahayn waxay noqon karaan isku jirka curiyayaal, isku jirka isku dhisyo ama isku jirka isku dhis iyo curiye.

Walxaha kiimiked ee saafida ah:

Cunooyinka iyo cabitaanada waxaa lagu xayeysiiyaa in ay yihiin saafi. Tusaale, waxaa arkaysaa kartoomada “casiir liin macaan saafi ah” , “biyo saafi ah”. Taas oo la micno ah in aana waxkale lagu darin intii lagu gudo jirey soo saaridooda warshadeed. Sikastaba, saynis ahaan marka aan u eegno walxahan ma ahan kuwo saafi ah waayo saynisku waxa uu rumaysan yahay in walaxda saafida ah ay ka kooban tahay hal curiye ama hal isku dhis. Biyaha macdantaa intooda badani waa biyo, laakiin waxaa ku dhex qasan walxo kale. Maadooyinkaas kale ee kujira waxaa magacyadoodu ku taxan yihiin waraaqda ku dhagsan caagada biyuhu kujiraan. Sidaa darted biyaha saafida ah waxa ay ka kooban yihiin biyo iyo walxo kale.

Hadii aad aragtid saxarrada biyaha, waxa kaliya ee aad arkayso waa molikuyuulada biyaha, laakiin waxaa ku jira saxarro  kale. Waa ay adag tahay gabi ahaan in aad hesho walax dhamaanteed saafi ah waayo markasta walxaha waxaa kudhex jira walxo kale. Xataa biyaha aadka saafiga u ah waxay ka koobaan yihiin oo kumilan neefyo hawada kaga soobiiiraya.

Isku jir:

Isku jirku waxa uu ka kooban yahay walxo kala duwan kuwaas oo aan ku midooobin ama iskugu tagin hab kiimikeed. Tusaale, baakad macmacaan ah waxa uu ka kooban yahay isku jir midabo kala duwan leh oo macmacaano ah. Macmacaanadu midba midka kale kuma dhagana sidaa darteed si sahlan ayaa loo kala sooci karaa:

Isku jirka jajabka birta ayroon iyo buddo salfar ah waa ay fududahay in lakala saaro ayadoo la adeegsanayo birlab. Jajabka birta ayroon waxaa soo jiidanaya birlabta halka budadu ay ku harayso meesheeda.

 

Birlabta ayaa soo jiidanaysa jajabka birta ayroon, kalana soo dhex baxaysa budada salfarta.

Milida:

Milidu waa wado   kamid ah habka loo sameeyo isku jirada. Tusaale, marka cusbo lagu walaaqo biyo, cusbadii waxa ay ku milmaysaa biyaha waxaana samaysamaya biyo cusbo leh.

Milme: shayga ama walaxda milantay waxaa loogu yeeraa milme

Mile: walaxda milmaha mishey ayaa loogu yeeraa mile

Biyaha cusbada leh; cusbadu waa milme halka biyuhu yihiin mile. Saxarrada milmaha iyo miluhu gabi ahaan si wado jir ah ayey isku dhex galayaaan.

Siimow (baahid ama faafid):

Siimow waa wado kale oo lagu samayn karo isku jir. Saxarrada kala duwan ee walxaha waa ay isku qasmayaan inta lagu gudajiro faafida. Tani waxa ay u dhacdaa:

  1. Sidhakhso ah neefaha, waayo saxarradoodu waxay si dhakhso ah ugu fidayaan dhinacyada oo dhan.
  2. Sitartiib ah hoorayaasha, waayo saxarradoodu waxa ay u dhaqdhaqaaqayaan hareerahooda ayagoo midba midka kale riixayo.
  3. Gabi ahaan kama dhaco adkayaasha, waayo saxarradoodu waxay meeshay joogaan ku samaynayaan gargariir oo kaliya masamaynayaan wax dhaqdhaqaaq socod ah.

Siimowga waxaa si fudud ugu fahmi karnaa sababta urka cunada la karinayo uu ugu faafayo guriga iyo sidoo kale sababta dhibic rinji ah ay si iskeed ah ugu faafayso koob biyo ku jiraan markii lagu dhibciyo.

Isku dhis:

Iskudhis waxa uu ka kooban yahay curiyayaal kala duwan kuwaas oo iskugu tagay qaab kiimikeed, isku dhisku waxa uu ku samaysmaa falgal kiimikeed, si aad u kala saartidna waxa uu ubaahan tahay in aad samayso falgal kiimidkeed oo kale. Sawirka hoos nooga muuqda waxa uu natusinayaa marka jajabka ayroon ay falgal lasamayso budo salfar ah, waliba falgal kiimikeed, halkii la isku dari lahaa oo kaliya.

Atamyada ayroon iyo salfar waa ay midoobayaan ayagoo samaynaya ayroon salfaydh, sidaas darteed waa ay adag tahay in la kala saaro.

Astaamaha isku jirka iyo isku dhisyada:

Isku jirka waxa uu leeyahay astaamo ka duwan kuwa isku dhisyada. Kala duwanaashaha waxa aynu ku soo koobaynaa shaxdan soo socota:

 

Isku jir

Isku dhis

Waxa ay ka kooban yihiin

Wax yaalo kala duwan ayey ka kooban yihiin wayna kala duduwanaan karaan xadiga isku jirkoodu

Waa ay xadaysan yihiin waxa ay ka kooban yihiin

Midowgooda ama isku tagidooda

Walxaha kala duwani iskuguma tagaan hab kiimikeed

Curiyayaasha kala duwan waxa ay iskugu tagaan hab kiimikeed

Astaamahooda

Walax kasta oo isku jirka kamida waxa ay leedahay astaamo ugaar ah

Isku dhisku waxa uu lee yahay astaamaha curiyayaasha kala duwan ee uu ka kooban yahay

Kala saaridooda

Waa ay fududahay kala saaridoodu

Waa ay adag tahay kala saaridoodu, waxa kaliya ee lagu kala saari karana waa hab kiimikeed oo kaliya.

Tusaale

Hawada, Biayaha badda, Dhagaxaanta

Biyaha, kaarboon labo oksaydhka, magniisiyom oksaydhka iyo soodiyoom koloraydhka

 

Noocyada kala duwan ee walxaha kiimikeed:

  1. Curiye, kaas oo ka kooban hal nooc oo atamyo ah.
  2. Isku dhis, kaas oo ka kooban labo ama ka badan nooc oo atamyo isku tagay ah.
  3. Isku jir, kaas oo ka kooban labo ama ka badan oo walxo kala duwann kuwaas oo aan isku tagin.
  4. Waxlo kala wudan, kuwaas oo iskugu jira curiyayaal ama isku dhisyo.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

xayeysiinta booga basic chemistry book

Buugan waxaa qoray aniga oo ah Mohamed Hersi Farah, buuga waa buug muhiim u ah dhamaan arday bilaabaysa dugsiyada sare kana haqabtiri doona aasaaska maadada Chemistry.  buugan waxaa ugu talo galay inay kafaaiidaystaan dhamaan ardayda Somaaliyeed meelkasta oo ay jogaan sidoo kale bugan si aan u helo sal-fadhi waxaa raacay manhajka dugsiyada sare ee puntland anigo filaya inuu wada anfaci doono dhamaan arday kasta oo dhiganaya ama bilaabaya dugsigada.  waxaan inii rajayn inaa ka faaiidaysataan buugan.  wixii fikrad ama rayi ahna waxaa noogu soocelin kartaa cinwaankeena asqalaani89@gmail.com.  hadii aad ubaahan tahay buugan waxaa si free ah ugala dagi kartaa linkgan hoose waana mahadsanthn: Basic Chemistry Book First Edition

Exam Form Four 2019 Puntland National Examination

 Halkan hoose kala sodag examka form4 2019 oo kashaqaysn. Examka form4 2019

Exam Form Four 2020 Puntland National Examination

halkan  hoose kala sodag examk form 4ka oo kashaqaysan Exam form four 202 0