Skip to main content

Falgalada Kiimikeed ee Sahlan


Falgal kiimikeedku waa cadaynta in uu dhacay isbadal kiimikeed. Alaabta bilowga ahi waxa ay isku badalayan alaabo cusub ama noocyo kiimikeed oo kale. Sidee u garan karnaa in uu dhacay falgal kiimikeed? Hadii aan aragno mid ama in ka badan oo kuwan soosocda ah waxaa oran karnaa waxaa dhacay falgal kiimikeed:
  1. Isbadal midab
  2. Xumbo
  3. In uu samaysmo ruushi ( in milanka ay kudhex samaysmaan adkayaal yaryar ah)
  4.  kulka oo isbadala

Waxaa jira falgalyo aad u tiro badan oo kala duwan, laakin guud ahaan waxa loo kala qaybiyey 5 qaybood oo sahlan.

  1. Fagalka isku darka tooska ah:

Falgaklka iskudarka tooska ahi waa mid ka mida noocyada ugu waawayn ee  falgalada kiimikeed, sida magaca aan ka dheehan karno falgalayaal fudud ayaa samayn kara maxsuulo badan. Qaabka aasaasiga ah ee falgalka kiimikeed ee tooska ahi waa:

A + B —>AB

Hadii aan tusaale usooqaadano samaysanka biyaha ay ka samaysmayaan curiyayaasha ay kakooban yihiin ee haydarojiin iyo oksiiin:

2H2 + O2 —>2H2O

Sidoo kale tusaale muhiim ah waxaa ah falgalka dhacaya marka dhirtu cuntadooda samaysanayaan, kaas oo dhirtu ay samaysanayso guluukoos iyo oksijiin kana samaysanayso ayadoo isticmaalaysa ilayska qoraxda, kaarboon labo oksaydh iyo biyo.

6CO2 + 6H2O —>C6H12O6 + 6O2

  1. Falgalka kiimikeed ee kalabixinta ama kala soocida:

Falgalkan waxa uu lid ku yahay midkii hore ee aan kasoo hadalnay ee ahaa falgalka tooska ah. Noocan falgal kiimikeed, falgalayaasha waxaa loo kala saarayaa ama loo kala bixinayaa xubno yar yar. Qaabka aasaasiga ah ee falgalkani waa:

AB —> A+B

Hadaan tusaale fudud usoo qaadano kala jabinta curiyayaasha biyuhu ka kooban yihiin, waa falgal kiimikeedka kala saarida:

2H2O —> 2H2 + O2

Sidoo kale waxaa tusaale usoo qaadan karnaa kala jabinta lithium carbonate oo loo kala jabinayo lithium oxide iyo carbon dioxide.

Li2CO3   —> Li2O +CO2

  1. Falgalka kiimikeedka mid boos ka badalid:

Falgalkan hal curiye ayaa lagu badalayaa curiye kale oo kujira isku dhis. Qaabka aasaasiga ee falgalkani waa:

A + AB —>AC+ B

Falgalkan way fududahay in la isku habeeyo marka uu dhaco  qaabkan soosocda:

Curiye + isku dhis —>  isku dhis + curiye

Falgalka u dhaxeeeya curiyaha Zinc iyo isku dhiska haydarokaloorik asiidh waxa uu soosaarayaa haydarojiin neef ah iyo zinc koloraydh. Falgalkan waxa uu tusaale u yahay falgalka kiimikeed ee mid boos ka badalida.

Zn + 2HCl —> H2 + ZnCl2

  1. Falgalka kiimikeed ee labo boos isku badalida

Falgalka labo boos isku badalidu waa sida midkii aan soo sheegnay oo kale ee ahaa falgalka mid boos iskubadalida, laakiin labo curiye ayaa la isku badalayaa halka kii hore hal curiye booskiisa laga badalayey. Qaabka aasaasiga ah ee falgalkana waa:

AB + CD —> AD + CB

 Falgalka u dhaxeeya sulfuric asiidh iyo soodiyom haydaroksaydh, si ay u sameeyaan soodiyom salfayt iyo biyo. Falgalkaas oo tusaale u ah falgalka labo boos iskubadalida kiimikeed:

H2SO4 + 2NaOH —>  Na2SO4 + 2H2O

  1. Falgalka kiimikeed ee gubashada:

Falgalkan gubashada waxa uu dhacaa marka kiimikaalada kala duwan, siiba haydarokoorbonadu ay falgal lasameeyaan oksijiinta. Hadii haydarokaarboon uu yahay falgale, maxsuulku waa kaarboon labo oksaydh iyo biyo, falgalkaas dhacayana waxa uu bixinayaa kul. Sida ugu fudud ee loo habeeyo falgalka gubashada waa in loo qaato oksijiin dhinaca falgalayaasha ee is le’egta kiimikeed. Qaabka aasaasiga ah ee falgal kiimikeedka gubashadu waa:

Hydrocarbons+ O2 —> CO2 +H2O

Tusaale waxaa noogu filan gubashada methane:

CH4 + 2O2 —>CO2 + 2H2O

Comments

Popular posts from this blog

xayeysiinta booga basic chemistry book

Buugan waxaa qoray aniga oo ah Mohamed Hersi Farah, buuga waa buug muhiim u ah dhamaan arday bilaabaysa dugsiyada sare kana haqabtiri doona aasaaska maadada Chemistry.  buugan waxaa ugu talo galay inay kafaaiidaystaan dhamaan ardayda Somaaliyeed meelkasta oo ay jogaan sidoo kale bugan si aan u helo sal-fadhi waxaa raacay manhajka dugsiyada sare ee puntland anigo filaya inuu wada anfaci doono dhamaan arday kasta oo dhiganaya ama bilaabaya dugsigada.  waxaan inii rajayn inaa ka faaiidaysataan buugan.  wixii fikrad ama rayi ahna waxaa noogu soocelin kartaa cinwaankeena asqalaani89@gmail.com.  hadii aad ubaahan tahay buugan waxaa si free ah ugala dagi kartaa linkgan hoose waana mahadsanthn: Basic Chemistry Book First Edition

Exam Form Four 2019 Puntland National Examination

 Halkan hoose kala sodag examka form4 2019 oo kashaqaysn. Examka form4 2019

Exam Form Four 2020 Puntland National Examination

halkan  hoose kala sodag examk form 4ka oo kashaqaysan Exam form four 202 0