Tusaha
kalgalka waa tuse ay ku habaysan yihiin curiyayaasha kiimikeed, kuwaas oo u
urursan tiro-atam, ratibaad elektaroon iyo astaamo kiimikeedkooda. Qaabka
tusuhu waxa uu muujinayaa kalgal isbedelka curiyayaasha. Todobada safe e tusaha
waxaa loogu yeeraa “kal”, siguud dhinaca bidix waxaa uga jira biraha ah dhinaca
midigna waxa uga jira curiyayaasha bir ma-ahe ah. Joog-u-taxa tusaha waxaa
loogu yeeraa “ururro” kuwaas oo ururkasta ka kooban tahay curiyayaal leh
dabeecad kiimikeed isku mid ah. Ururadu waxa ay leeyihiin magacyo ugaarah sida
curiyayaasha ururka 17aad waxaa looguyeeraa halajiino halka curiyayaasha ururka
18aadna loogu yeero neefaha wahsada.
Tusaha kalgalka
Curiyayaasha kiimikeed:
Marka
lajoogo kimisteriga, curiye waa nooc atam oo leh tiro borotoono isku mid ah
gudaha bu’ atamkiisa (taasina waxa ay la mid tahay tiro atamkiisa). Tusaale,
tiro atamka curiyaha oksijiin waa 8, taas oo ka dhigan ama qeexaysa curiyaha
oksijiin in atamyadiisa dhamaan ay leeyihiin 8 borotoon.
Inta la
xaqiiiyey dhamaan curiyayaashu waa 118 curiye, oo 94ta ugu horeysa (kabilow
haydarojiin ilaa platoniyom) waa dabiici dhulka ayaana laga helaa. Halka 24ta
soo hartayna ay yihiin kuwo aan dabiici ahayn oo labkiimikeedka lagu sameeyey.
sidoo
kale curiyayaashaas 80 kamid ah waa curiyayaal nagi oo leh hal isotob, 38da
curiye ee soo hartay waa curiyayaal kaahfale ah kuwaas oo mataraaraxa marka ay
wakhti joogan iskuna badala curiyayaal kale.
Curiyaha
xadiidka waa curiyaha ugu badan (culays ahaan) ee dhulku ka samaysan yahay ama
kakooban yahay halka curiyaha oksijiin uu yahay curiyaha ugu badan ee laga helo
oogada sare ee dhulka.
Curiyahaasha
kiimikeed waxa ay kujiraan dhamaan maatarka nagu xeeran oo dhan. Erayga
“curiye” waxaa loo isticmaalaa atamyada leh tiro atam layaqaan, sidaas oo kale
walxaha kiimikeed ee saafida ah waxa ay ka samaysan yihiin hal curiye oo kaliya
(tusaale, gaaska haydarojiin).


Keep goinh
ReplyDelete